(Hortabin Media) – Xafiiska Qaramada Midoobay ee taageerada Soomaaliya ayaa diyaarado dagaal oo Helicopter-ah siiyey ciidamada ATMIS, gaar ahaan kuwo dalka Brundi.
Diyaaradahan ayaa sida la sheegay ka qeyb qaadan doona howlgalka ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda qeybo ka mid ah dalka.
Diyaaradahan ayaa noocoodu lagu sheegay Mi-8 iyo Bell 412, waana kuwo qumaatiga u kaca, iyadoo la filayo in ay caawiyaan ciidamada Soomaalida ee jooga furimaha hore ee dagaalka.
Xafiiska Qaramada Midoobay ee taageerada Soomaaliya ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in diyaaradahan ay muhiim yihiin waqtigan, maaddaama dalka Soomaaliya uu ku jiro marxalad dagaal.
Waxey sheegeen in ay ka go’an tahay taageerida Soomaaliya, iyagoo xusay in ay sii wadi doonaan, si ay garab istaag ugu muujiyaan dowladda iyo ciidamada ku jira furimaha hore.