Thursday, September 11

(Hortabin Media) – Sida ay maanta ku sheegtay shir jaraa’ido oo ay Muqdiso ku qabatay Wakiika gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Catriona Laing, waxaa lagama maarmaan soo celinta xiriirkii maamulka Puntland iyo dowladda dhexe.

Wakiilka ayaa dalbatay in Puntland ay dib uga soo muuqato kulamada gollaha wadatashiga Soomaaliya, taas oo sida ay xustay ah arrin ku fadhisa ahmiyad gaar ah.

Catriona Laing ayaa maqnaashaha Puntland ee kulamada gollaha wadatashiga ku tilmaantay arrin dhabar jab ku ah dowladnimada Soomaaliya, isla markaana cuuryaamineysa tallaabo walba oo hore loo qaadi lahaa.

Waxey sheegtay in arrintan ay saameyn ku yeelan doonto hannaanka geedi socodka nabada Soomaaliya iyo xitaa arrimaha doorashooyinka dalka, maaddaama xubin ka mid ah dowlad goboleedyada ay bannaanka taalo.

Wakiilka ayaa codsatay in sida ugu dhaqsiyaha badan looga shaqeeyo soo celinta xiriirka labada dhinac, taas oo keeneysa tallaabooyin badan oo guulo wax ku ool ah xanbaarsan.

Exit mobile version