Monday, September 15

(Hortabin Media) – Sare u kac xooggan ayaa laga daremayaa qiimaha lagu kala iibsado suuqyada magaalada Muqdisho qudaarta loo yaqaano Cambaha, kaas oo qeyb weyn uga jira dalagyada ka soo go’a dalka

Camabaha ayaa ka mid ah qudaarta waqyiyada qaar soo go’a aadna loo isticmaalo, waxaana si joogta ah u soo iibsada qoysaska ku nool magaalada Muqdisho badankood.

Cambaha ayaana ku jiraa miraha  ugu caafimaadka badan ee la cuno marka laga hadlaayo Qudaarta, waxaana xilligaan uu gaaray qiimihiisii ugu sareeyey ee abid lagu kala iibsado, waxaana halka xabo ee Cambaha ah la iibinayaa $2, taas oo walaac hor leh abuurtay

Mid kamid ah ganacsatada suuqa qudaarta ee Suuqa Xamarweyne oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay ugu wacan tahay in laga baxay xilligiisa, isagoo xusay inuu leeyahay waqti cayiman, taas oo diideysa in waqtigan si fudud lagu helo.

Wuxuu sheegay in arrintan loo sababeynayo dabeylaha ka socda dalka, wuxuu sidoo kale xusay in dalagyadii dalka ay saameyeen abaarihi dhawaan Soomaaliya ku dhuftay.

Sare u kaca ku yimid qiimaha Cambaha ayaa walaac ku abuuray shacabka, kuwaas oo aanan awoodin in ay waqtigan iibsadaan.

Si Kastaba Sanad kasta xiligan oo kale ayaa camabaha laga waayaa suuqyada magaalada Muqdisho, wuxuna qiimihiisu noqdaa mid aad u sareeya, taas oo adkeyneysa in la iibsado.

Exit mobile version