Sunday, September 14

Qaar ka tirsan Xildhibaanada golaha shacabka ee ka soo jeeda Koonfur Galbeed oo maanta warbaahinta kula hadlay xarunta vila hargeysa ayaa walaac ka muujiyey xaaladda ka taagan magaalada baydhabo halkaas oo ay go’doomiyeen ururka al shabaab.

Xildhibaan Xaawo Sokor ayaa warfidiyeenada u sheegtay in maalintii 7-aad ay go’adoon ku jiraan bulshada ku dhaqan magaalada baydhabo, kuwaas oo wajahaya sicir barar dhanka maciishada ah.

Xildhibaanada ka hadlay xaaladda adag ee ka taagan Baydhabo ayaa waxa ka mid ah Maxamed Abuukar , kaas oo tilmaamay in go’doonka ay ku sugan tahay baydhabo ay saameyn ku yeelaneyso dadka nugul oo ay ka mid yihiin barakacayaasha magaaladaasi horey usoo maciinsaday.

Xildhibaan Maxamed Abuukar ayaa dowladda soomaaliya ka codsaday in ay qaado tallaabo deg deg ah,oo ku wajahan wax ka qabashada xalaada ka taagay Baydhabo.

Hadalka Xildhibaanada gollaha shacabka ayaa imanaya xilli mudooyinkii ugu danbeeyey ay Ururka Al Shabaab go’doomiyee magaalada baydhabo, taas oo keentay in qiimaha maciishada ay sara u kacdo isla markaana uu isku socodka gaadiidku ku wajahnaa magaalaadaasi uu hakad ku yimaado.

Exit mobile version