Qoysas gaaraya 1,500 boqol, oo ka mid ah qaxootiga ku sugan xerada qaxootiga Dhagaxleey ee dalka Kenya, ayaa xilligan dalbanaya gargaar deg deg ah.
Dadkan Qaxootiga ah, ayaa ka tilmaamay in ay ku adag tahay helida waxyaabaha muhiimka u ah aadanaha, sida cunnada iyo biyaha, oo ay rafaad badan ka mutaan helidooda.
Qaxootiga cabanaya ayaa u badan kuwa dhawaan gal ah, waxeyna wajahayaan xaalad adag oo dhanka bani’aadminimada ah.
Hay’adda UNHCR ayey ka codsadeen in dib loo bilaabo tirakoobka la hakiyay ee xerada qaxootiga Dhagaxley, waxaana tirokoobkan dadka lagu siinayaa kaarar ay ku qaataan raashin iyo waxyaabaha kale ee daruuriga ah.
Bur burkii dalka kadib, Soomaali badan ayaa dalka uga hayaantay xaaladda amni darro, waxaana kuwan iyo qaar kale oo la mid ah ay ku dayacan yihiin xeryaha qaxootiga dalka Kenya.