Saturday, September 13

Ra’iisul Wasaaraha Qadar Maxamed Bin Cabdiraxmaan Bin Jaasim Al thani ayaa Madaxda Sare Maraykanka u sheegay in Dowladdiisa ay qaadayso tallaabo culus oo uusan shaacin nooceeda waa haddii Israa’iil ay markale gudaha dalkeeda ka fuliso weerar kale.

Waxa uu ku tilmaamay daan-daansi iyo gardarro aanay ilaa haatan ka garaabin Israa’iil kuna sii hanjabayso inay fulinayso weerarro kale oo gudaha Dalkaas Qadar ka dhaca, Ra’iisul Wasaare Maxamed Bin Cabdiraxmaan ayaa si adag ugu goodiyay Madaxda Maraykanka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Maraykanka Marco Rubio ayaa Ra’iisul Wasaaraha Qadar u sheegay in Washington ay xoogga saarayso sidii looga hortagi lahaa weerar kale oo Israa’iil ay ka gaysato dhulka Qadar taasina ay ka dhalan karto dhibaato kale.

Kulan casho ah oo ka dhacay madaxtooyada Maraykanka ayay isku arkeen Mas’uuliyiinta Dooxa iyo Washington, Donald Trump ayaa markii uu dhacay weerarkii Dooxa Talaadadii todobaadkii tagay waxa uu sheegay in uusan ku faraxsanayn.

Qadar ayaa garab istaag ka heshay Dalal Soomaaliya ay kamid tahay oo kulankii golaha Ammaanka ee maalin kahor qabsoomay ka dhex sheegay in ay Israa’iil ku xadgudubtay ciidda Qadar iyada oo fulisay duqeymo dhaliyay Dhimasho & dhaawac.

Exit mobile version