Friday, September 12

Dowladda Qatar ayaa tan iyo dib u doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxey juhdi badan ku bixineysay sidii ay saaxiib dhaw ula noqon lahayd Dowladda uu majaraha u hayo.

Qorshaha Qatar ayaa ah, in Xasan Sheekh ay ka soo dhaweysato Dowladadaha Carbeed, ee kala ah Imaaraadka iyo Sacuudiga, kuwaas oo iyagana dano weyn ka leh siyaasada Soomaaliya.

Qatar oo saaxiibka koowaad u ahayd, Dowladdii tan ka horeysay ee uu hoggaaminayey Farmaajo, ayaa xoog galineysa, sidii booskaasi ay uga saari lahayd Imaaraadka, oo lagu tiriyo in ay jaal siyaasadeed yihiin Madaxweynaha waqtigan kursiga fadhiya.

Sida aan xogta ku helnay Amiirka Qatar, oo maalmo ka hor la soo xariiray Madaxweynaha ayaa ku marti qaaday Dooxa, oo uu shalay gaaray, isagoo u ballan qaaday taageero dhaqaalle, oo lagu dar dar galinayo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Safarkan ayaa noqonaya kii 3-aad oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tago dalka Qatar, waana arrin si cad u bidhaamineysa da’daalka ay Qatar ku bixineyso in ay noqoto saaxiibka koowaad ee Soomaaliya.

Halganka ay Qatar ugu jirto hanashada Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qeyb ka ah dadaalada ay Dowladaha Carbed ku bixinayaan siyaasadda Soomaaliya.

Exit mobile version