Tuesday, November 11

Qof isku soo xiray walxaha qarxa ayaa saakay barqadii isku dhex miidaamiyey dhallinyaro loo qorayey ciidanka dowladda, kuwaas oo ku sugnaa afaafka hore ee xerada TURKSOM ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo dhawaqiisa si aad ah looga maqlay degmada Wadajir iyo deegaanada ku xeeran ayaanan la ogayn khasaaraha dhabta ah ee uu geystay, waxaana jirta in laamahan amniga ee dowladda Soomaaliya aanay ilaa iyo iminka ka hadlin qaraxaasi iyo waxyeelada uu geystay.

Hase ahaatee qaar ka mid ah goobjoogayaal halkaasi ku sugnaa oo ka gaabsaday magacooda sababo amni awgood ayaa  u sheegay in ay arkeen dhawaacyo soo gaaray 4-ka mid ah dadkii halkaasi ku sugnaa.

Ururka Al Shabaab ayaa sheegay masuuliyada qaraxaasi, waxeyna tilmaameen  inay ku dileen 32 ka tirsan dhalinyaradii ciidanka qoranaysay, balse ma jirto cid iyaga ka madax bannaan oo xaqiijineysa sheegashadooda.

Dhinaca kale xarumo ganacsi oo ku kala yaal suuqa bakaaraha iyo isgoyska labada dhagax ee degmada wardhiigleey, ayaa maanta qaraxyo miino ah lagu bur buriyey.

Xarumahaasi la qarxiyey ayaa kala ah maqaayada ku taalla Suuqa bakaaraha iyo laba dukaan oo ku yaalla agagaarka isgoyska labada dhagax, waxaana sababaha loo beegsaday lagu sheegay xirashada kaamirada qarsoon ee CCTV, taas oo ay dhawaan dowladda ku aamarta ganacsata in ay ku xiraan ilinka hore xarumahooda, halka Al Shabaab-na ay arrintasi ka soo horjeesatay.

Laba haween ayaa ilaa iyo iminka inta la hubo ku dhaawacmay qaraxyadaasi lala beegsaday goobaha ganacsiga.

Ugu danbeyntii dowladda Soomaaliya ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay waxa ay ku sheegtay in howlgal ka dhacay  Tuulada Hilow Bacaad ee gobolka Hiiran ay ku dileen 60 xubnood oo ka tirsan ururka Al Shabaab, iyadoo sidoo kalana lagu bur buriyey saldhigyo ay halkaasi ku lahaayeen.

Exit mobile version