Saturday, September 13

Kooxda Al Shabaab ayaa maanta labbo qarax ku weeraray xero ay ciidamada dowladda ku leeyihiin magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

Xerada la weeraray, waxaa mudooyinkii ugu danbeeyey uu tababar uga socday ciidamo ka tirsan dowladda, kuwaas oo la doonayey in ay qeyb ka noqdaan wajiga labaad ee dagaalka looga soo horjeedo Al Shabaab.

Kooxdii weerartay xerada ayaa gudaha u galay dhismaha goobta, iyagoo halkaasi ka dhex dagaallamayey saacado kooban.

Ilaa iyo iminka lama xaqiijin karo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan, balse saraakiisha ciidamada dowladda ee Gedo ayaa lagu wadaa in ay goordhaw la hadlaan  warbaahinta.

Exit mobile version