Labo qarax ayaa caawa ka dhacay gudaha Magaalada Muqdisho, kuwaas oo geystay khasaare kala duwan, waxeyna ka dhaceen baro koontorool oo ay joogaan ciidamada dowladda.
Qarax koowaad ayaa ka dhacay Bar Koontorool oo ay ciidamada dowladda ku leeyihiin inta u dhaxeysa isgoysyada Number Konton iyo Xoosh.
Qaraxan inta la ogyahay waxaa ku geeriyooday labbo askari, iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro kale oo aan la xaqiijin sida ay sheegeen laamaha amniga.
Qaraxa ayaa ku soo beegmay xilliga afurka Muqdisho, markaas oo mashquul badan uu ka taagnaa isgoysyadaasi, waxana qaraxa dhawaqiisa laga maqlay nawaaxiga halka uu ka dhacay.
Qaraxa labaad ayaa ka dhacay degmada Dayniile, gaar ahaa xaafada Warlaliska, ilaa iyo haddana wax khasaare ah lama soo werinin.