Saturday, September 13

Qaraxyo xoogan oo ay tiradoodu gaareyso ilaa seddex, ayaa ka dhacay deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Qaraxyadan waxaa ku geeriyooday 5 qof oo rayid ah, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 20 qof oo dhamaantood ah dad rayid ah.

Dadka dhaawacmay ayaa la keenay gudaha Muqdisho, halkaas oo lagu dabiibayo, iyadoo qaarkood ay qabaan dhaawacyo culus.

Gudaha dalka, waxaa inta badan ka dhaca qaraxyo, kuwaas oo uu khasaaraha ugu badan ka soo gaaro rayidka, waxaana qaraxyadan masuuliyadooda sheegta Al Shabaab. 

Exit mobile version