Monday, September 15

Qarax miino oo khasaare gaystay ayaa ka dhacay degmada Hiliwaa ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa lala eegtay kolonyo ka tirsan gaadiidka ciidamada dowladda, waxaana ku geeriyooday labbo askari oo qeyb ka ahaa kuwii gaariga saarnaa.

Askarta geeriyootay ayaa meydkooda la geeyey xarunta denbi baarista ee CID, iyadoo ilaa iyo iminka aanay dowladdu ka hadlin qaraxaasi iyo khasaaraha ka dhashay.

Al Shabaab ayaa maalmahan qal qal ku wada amniga caasimada, xilli magaalada ay yeelatay ciidamo gaar ah oo amniga magaalada ka shaqeeya.

Exit mobile version