Saturday, September 13

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax xalay ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya lagula eegtay deegaanka ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho.

Qarax oo uu noociisu ahaa miinooyinka dhulka lagu aaso ayaa ciidamada lala eegtay, xilli ay ku sii jeedeen degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in qaraxaasi uu dhaliyey khasaare kala duwan, walow saraakiisha ciidamada dowladda ay ka gaabsadeen xaqiijinta warkaasi.

Dhinaca kale kooxda Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxan, iyadoo xustay in ay ku dishay 4 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda, inkastoo aan la xaqiijin karin dhab ahaanshaha warkooda.

Exit mobile version