Saturday, September 13

Sida wararku sheegayaan qarax miino ayaa barqanimadii maanta ka dhacay degamada Dayniile ee magaaalada Muqdisho.

Qaraxan oo lala eegtay gaari Cabdi Bile ah oo ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan dowladda, ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la ogyahay 2 askari ayaa ku geeriyootay halka 10 kalana ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo xaaladooda caafimaad lagu dabiibayo xarumaha caafimaadka Muqdisho.

Qaraxan ayaa ku soo beegmaya xilli maalmihii ugu danbeeyey uu deganaa amniga caasimada Muqdisho waxaana koobnaa weerarada magaalada ka dhacay tan iyo markii ciidamada cusub lagu wareejiyey amnigeeda.

Exit mobile version