Qarax miino oo lagu qariyey goob uu buuxdhaafiyey qashin ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan wadada sodonka.
Qaraxan oo noociisu ahaa miinada la aasso, ayaanan geysan wax khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, marka laga reebo bur bur soo gaaray gaari uu lahaa muwaadin Soomaaliyeed oo halkaasi marayey.
Qaraxan oo jugtiisa laga maqlay inta badan xaafadaha degmada Hodan, ayaa argagax ku beeray dadka rayidka ah ee ku nool degmadaasi.
Maalmihii ugu danbeeyey waxaa yaraaday falalkii amni darro ee ka dhici jiray caasimada, inkastoo 24-kii saac ee la soo dhaafay la diiwaan geliyey dhowr kiis oo qal qal galinaya amniga.