Sunday, September 14

Qarax  Miino  oo ka dhacay deegaanka KM13 ayaa lala beegsaday gaari Hilux ah oo ay leedahay Shirkada Hormuud, waxeyna noqotay.

Waxaa shalay oo taariikhdu ahayd 13/12/2023, abaaro 5-tii galabnimo  qarax weyn oo  nuuca miinada dhulka lagu aaso ah lala eegtay gaari ay leedahay Shirkada Hormuud.
Inta la xaqiijiyey waxaa ku geeriyooday  Axmed Cumar cabdulle oo ka tirsanaa Shaqalaha Shirkadda Hormuud  oo xalay fiidkii u geeriyooday dhaawacii  kasoo gaaray qaraxa.

Waxaa xusid mudan in  sidan oo kale, qaraxyo lala beegsaday qaar ka mid ah laamaha iibka ee shirkaddu ku leedahay Xero-Jarmal (Xarutii Tababarka Farsamada Gacanta XTFG) ee Degmada Dayniile & BTS-kii degaanka Muusaaley ee Ceelasha biyaha taariikhdu markay ahayd 09-November-2023.

Dowladda Somalia & Shirkadda Hormuud ayaan weli ka hadlin dhacdooyinkaan, mana jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxyadan, iyo cid loosoo xiray toona.

Exit mobile version