Monday, September 15

(Hortabin Media) – Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay qarax maanta lala eegtay gaari ay saarnaayeen dad rayid ah, kaasi oo marayey duleedka deegaanka Shalanbood ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Gaariga qaraxa lala eegtay ayaa ka yimid magaalada Marka, wuxuuna ku sii jeeday degamda Qoryooleey ee gobolka Shabeelaha hoose, hase ahaatee markii uu marayey deegaanka Abiikarow ee duleedka Shalanbood ayuu haleelay qaraxa.

Qaraxan oo noociisu ahaa miino ayaa waxaa ku geeriyooday dad gaaraya 10- qof, kuwaas oo ay ku jiraan haween iyo caruur aad u da’ yar.

Guddoomiyaha maamulka Degmada Shalanbood Nuur Cismaan Raage, oo warfidiyeenada la hadlay ayaa sheegay inuu gabi ahaanba basbeelay gaarigii ay dadkaasi saarnaayeen, wuxuuna xaqiijiyey inuu aragiisa ku daalacday dhimashada 4 qof.

Halka uu qaraxu ka dhacay, ayaa ah meel ku dhaw fariisin ay ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ku leeyihiin Duleedka Shalanbood, waxana qaraxa kadib ay baaritaano ka billaabeen halka uu falku ka dhacay.

Gudaha Soomaaliya, oo ay isku hayaan dowladda Soomaaliya iyo Al Shabaab oo nidaamka dowladnimada ka soo horjeeda, ayuu loolankoodu inta badan galaaftaa dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.

Exit mobile version