Friday, September 12

Qarax gaystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa duhurnimadii maanta ka dhacay inta u dhaxeysa degmada Afgooye iyo degaanka Mareereey.

Qaraxan oo ahaa miinada dhulka lagu aaso, ayaa lala eegtay bar-koontorool oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Inta la ogyahay qaraxa waxaa ku geeriyooday hal qof, waxaana ku dhaawacmay qof kale oo rayid ah, kaas oo marayey goobta uu qaraxu ka dhacay.

Markuu qaraxu dhacay waxaa hakad galay isku socodka dadka iyo gawaarida isticmaasha wadada isku xirta Afgooye iyo Mareereey ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Al Shabaab ayaa inta badan sheegtay masuuliyada qaraxyadan, waxaana qaraxani uu ku soo beegmayaa xilli maalmihii ugu danbeeyey laga deyrinayey amniga Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay ka dhacayeen weeraro isugu jira qaraxyo iyo dilal qorsheysan.

Exit mobile version