Tuesday, September 16

(Hortabin Media) – Qarax aad looga maqlay gudaha Muqdisho ayaa maanta ka dhacay Degmada Dayniile ee caasimada dalka.

Qaraxan oo uu noociisu ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa lala beegsaday ciidamo ka tirsan kuwo dowladda oo marayey gudaha degmadaasi.

Inkastoo uu ka bad baaday, waxaa qaraxa lala eegtay, taliyaha Nabad-Sugidda ee degmadaas, Cabdiraxmaan Cali Waqooyi oo loo yaqaano (Seedi-Xume), kaas oo aad looga yaqaano gudaha Dayniile.

Qaraxan waxaa ku geeriyooday qof rayid ah, halka sida wararku sheegayaan uu ku dhaawacmay askari ka tirsan ilaalada taliyaha qaraxa lagu beegsaday.

Ciidamo ka tirsan kuwo maamulka degmada Dayniile ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, wallow ilaa iyo iminka aanay cidna usoo qaban qaraxaasi.

Exit mobile version