Monday, September 15

Qarax xooggan ayaa maanta ka dhacay afaafka hore ee kuliyadda ciidanka  Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho, kaas oo dhawaqiisa laga maqlay inta badan xaafadaha Muqdisho.

Qaraxan ayaa waxaa fuliyeyey qof isku soo xiray walxaha qarxa oo doonayey inuu gudaha u galo xarunta jaalle siyaad si uu isugu qarxiyo ciidamada xoogga dalka ee halkaasi ku sugan, hase ahaatee sida la sheegay ciidamada oo ka shakiyey qofkan xiranaa walxaha qarxa ayaa rasaas ku furay, taas oo keentay inuu goobta ku geeriyoodo.

Dhinaca kale war qoraal ah oo ay soo saareen taliska ciidanka dhulka ee xooga dalka Soomaaliyeed ayey ku sheegeen in abaare 8-dii iyo barkii subaxnimo ee saakay ay ciidanka xooga dalka toogteen dhagar qabe waxyaabaha qarxa isku soo xiray, kaas oo damacsanaa inuu isku qarxiyo alaabka kuliyada Jaalle Siyaad ee 77.

Ciidanka xoogga dalka ayaa qofka isku soo xiray walxaha qarxa toogtay inta aanu soo gaarin albaabka hore ee kuliyada Jaalle Siyaad ayaa lagu yiri warka qoraalka ee ka soo baxay ciidanka.

Taliska ciidanka dhulka xoogga dalka ayaa sidoo kale sheegay in ay cadeynayaan in aanu jirin wax khasaare oo dhankooda ka soo gaaray qaraxaasi marka laga reebo qofka ay toogteen ee isku soo xiray walxaha qarxa.

Qaraxan ayaa waxaa masuuliyadiisa sheegtay ururka al shabaab, kuwaas oo dagaal kula jira nidaamka dowladnimo ee Soomaaliya.

24-kii July ee sanadkan ayey ahayd markii qof isku soo xiray walxaha qarxa uu isku dhex miidaamiyey ciidamo saf ku jiray oo ku sugnaa xarunta Kuliyada Jaalle Siyaad, iyadoo qaraxaasina uu dhaliyey khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dowladda Soomaaliya ayaa qaraxaasi u xirtay saraakil ka tirsan ciidamada xoogga dalka, kuwaas oo lagu tuhmayey in ay fududeeyeen dhacdadaasi.

Exit mobile version