Saturday, September 13

Inta la ogyahay 3- askari ayaa ku geeriyootay tiro kale oo aan la xaqiijina wey ku dhaawacmeen, qarax xalay ka dhacay guri ku yaalla Xaafada Shiirkole ee degmada Hodan.

Qaraxan oo ahaa mid guriga lagu sii xiray, ayaa dhawaqiisa laga maqlay inta badan xaafadaha degmada Hodan, waxaana guriga uu qaraxu ka dhacay deganaa taliyihii hore ee saldhiga Hodan Cabdifitaax Qoslaaye.

Taliyaha ayaa ka badbaaday qaraxa, waxaase askartii ku dhimatay ka mid ahaa, askari la dhashay Gdoomiyaha dhanka Amniga iyo Siyaasada Gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye Yabooh.

Taliyaha gurigiisa uu qaraxu ka dhacay, ayaa shalay laga soo daayey xabsiga dhexe, kaddib eed la xiriirtay dilka nin rayid ah oo loo jeediyey bilo ka hor, taas oo uu ku muteystay in xabsiga loo taxaabo.

Labadii casho ee la soo dhaafay, Muqdisho waxaa ka dhacay qaraxyo ah kuwa la rakibo, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan, taas oo wiiqi karta amniga magaalada oo mudooyinkii ugu danbeeyey soo hagaagayey.

Exit mobile version