Sunday, September 14

khasaare kala duwan ayaa ka dhashay qarax maanta ka dhacay gobolka Galgaduud, gaar ahaan deegaanka Galcad.

Qaraxa waxaa ku dhintay seddex qof oo magacyadooda lagu kala sheegay, Yaasiin Xasan Shirwac, Maxamed Shariif Cumar iyo Geedi Maxamed Afrax.

Dadkan shacabka ayaa saarnaa mooto Fekon, waxeyna dhallinayarada geeriyootay dhamaantood ay ahaayeen qaraabo, iyagoo ku sii jeeday qaraabo salaan.

Al Shabaab ayaa mudooyinkii ugu danbeeyey weeraro kala duwan ka geysanayey gudaha gobolka Galgaduud, waxaana weeraradaasi ka dhalanayey khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Exit mobile version