Sunday, September 14

Faah Faahino Dheeraad ah ayaa ka soo baxaya  Qarax ka dhacay Maaalada Boosaaso islamarkaana  lagu burburiyay booyad biyaha u dhaamin jirtay ciidamada PMPF.

Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa  burburiyay booyadda sida ay sheegayaan Illo wareedyo  ku sugan Boosaaso.

Waa qaraxii labaad oo mudda 48 saac ah ka dhacay Boosaaso, taas oo xaalka sii cakireysa.

Inta la xaqiijiyay  saddex ruux ayaa ku geeiyootay qaraxii ka dhacay meherad lagu qayilo halka ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 10 qof oo kal.

Maalimihii  dambe waxa Boosaaso ka dhacayay qaraxyo lagu beegsanayo xarumaha ganacsiga iyo meherada la isugu yimaado kuwaas oo khasaare  kala duwan sababay.

Exit mobile version