Monday, September 15

(Hortabin Media) – Qarax dhawaqiisa laga maqlay xaafadaha Muqdisho ayaa xalay ka dhacay degmada Dharkeenleey ee gobolka Banaadir.

Qaraxan oo ahaa miinada dhulka lagu aaso, ayaa lagu qariyey koontorool ay fadhiistaan maalintii ciidamada sugaya amnigà jidadka Muqdisho.

Qaraxan waxaa inta la ogyahay ku dhintay qof rayid ah, iyadoo ay ku dhaawacmeen labo qof oo kale, kuwaas oo uu mid ka mid ah yahay ciidamadii halkaasi ku sugnaa.

Amniga Muqdisho ayaa maalmihii ugu danbeeyey soo hagaagayey xilli Al Shabaab ay isku dayayaan in ay carqaladeeyaan amniga, taas oo walaac ku abuureysa shacabka.

Exit mobile version