Friday, September 12

Dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa sanadihii ugu danbeeyey la daala dhacayey, caqabad dhanka shaqo la’aanta ah, oo dhaxal siisay in ay u bareeraan khataro kala duwan.

Muddo sanad ka hor waxaa dalka ka curatay dowlad cusub, haddaba qaab ceynkee ah ayey shaqo abuur ugu sameyn kartaa dhallinyarada?

Tan ugu horreyso ayaa ah, in dowlada iyo maamullada xubnaha ka ah, ay isugu yimaadaan shir lagu oggaanayo heerka uu gaarsiisan yahay xadiga shaqo la’aanta dhallinyarada.

Kadib kulankaas, dhinacyadu waxa ay xog sugan ka heli doonaan daruufaha ay dhallinyaradu ku sugan yihiin, waxaana kolkaas lagama maarmaan noqoneysa in si deg deg ah, ay dowlada dhexe iyo dowlad goboleedyada u qaataan shaqaale rayid, iyagoo ku xulanaya tayada qof ahaaneed.

Arrinta muhiimka ah ayaa ah, in labo qeyb loo kala qaado dhallinyarada, ay shaqo la’aantu heyso, taas oo ah, kuwo waxbartay iyo qaar aan fursad u helin in ay iskuullada aaddaan.

Waxaa kale oo lagama maarmaan ah, in dowlada ay garab weydiisato, shirkadaha ganacsiga dalka, si ay dhaqaale ugu kabaan dhallinyarada Soomaaliyeed ee shaqo abuurka loo sameynayo.

Dadka xaaladda dalka ka warqaba ayaa sheegaya, in ay adag tahay suurtagalnimada arrintan, maaddaama dowlada curdunka ah ay horyaallaan howlo kale, oo ay ugu horreyso, amniga iyo tan abaaraha ba’an ee dalka ku dhuftay

Qubarada aragtida ka dhiibtay mowduucan, ayaa iyaguna tilmaamaya, in dhibaato weyn laga dhaxli karo mustaqbalka dhaw ama kan fog dayaca dhanka dhallinta, kuwaa oo sida la aaminsan yahay ah tirada ugu badan ee bulshada Soomaaliyeed.

Exit mobile version