Waxaa geeriyooday Alle ha u naxariistee Abaanduulihii guutada 18-aad ee ciidanka Gorgor, Gaashaanle Cabdi Maxamed Suulnuug, kaas oo lagu dilay dagaal ay ciidamada dowladda la galeen Kooxda Al Shabaab.
Dagaalkan oo ka dhacay Koonfurta Mudug, gaar ahaan buurta Jeexjeex ee duleedka magaalada Caad, ayaa ahaa mid aad u xooggan, waxaana weerarka qaaday ciidamada dowladda.
Intii uu dagaalku socday dhinacyada ayaa isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana suuragashay in Al Shabaab laga saaro goobta.
Hase ahaatee mid ka mid ah dagaallamayaashii Al Shabaab oo dhaawac ahaan looga tagay ayaa toogtay Abaanduulihii guutada 18-aad ee ciidanka Gorgor, Gaashaanle Cabdi Maxamed Suulnuug.
Abaanduulaha oo dhawaac ahaa in badan, ayaa markii danbe u geeriyoday dhiig bax ka dhashay rasaastii haleeshay, sida ay Hortabin Media, la wadaageen saraakiishii halkaasi ku sugneyd.
Suulnuug ayaa waqti dheer ku sugnaa furimaha hore ee dagaalka, wuxuuna ka mid ahaa saraakiisha sida aadka ah u howl gelinayey ciidamada.
Geeridiisa waxaa ka tacsiyeeyey madaxda ugu sareysa dalka, waxaana meydkiisa lagu wadaa in la keeno Muqdisho, si aas qaran loogu sameeyo.