Saturday, September 13

Maamul Goboleedka Puntland ayaa eeddo hor leh dusha uga tuuray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, xilli uu meel hoose joogo xiriirka ka dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamulka Puntland.

Maamulka Puntland, gaar ahaan Wasiirka Warfaafinta maamulkaasi Maxamuud Caydiid Dirir oo warbaahinta kula hadlay Garoowe, ayaa tilmaamay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu diidan yahay in la xaliyo khilaafka ka dhaxeeya labada dhinac.

Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay hakisay dhamaan mashaariicdii ay Puntland xaqa u lahayd in laga fuliyo deegaanada maamulkaasi, arrintaas oo uu ku tilmaamay mid nasiib darro ah.

Maxamuud Caydiid Dirir ayaa Xasan Sheekh ku dhaleeceeyey siyaasad qalafsan, taas oo sida uu xusay keentay inuu lumiyo maamul goboleedyada qaarkood, wuxuuna si cad u sheegay in Madaxweynaha uu baal-maray dastuurka KMG ee dalka.

Ugu danbeyntii Wasiirka ayaa dhinaca kale maamullada dalka ugu baaqay in ay isugu yimaadaan shir ay uga arrinsanayaan aayahooda, maaddaama sida uu sheegay ay adkaatay la shaqeynta Madaxweynaha talada haya.

Exit mobile version