Friday, September 12

Maamulka Puntland ayaa jawaab ka bixisay hadalkii xalay ka soo yeeray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasme Cabdi Barre, ee ahaa in aysan maamulku dibindaabyo badin hannaanka deyn cafinta Soomaaliya

Wasiirka Qorsheynta Puntland Maxamed Siciid Faroole oo u jawaabayey Ra’iisul Wasaaraha dalka, ayaa sheegay in Puntland aysan waxba ka soo gaarin deynta lagu leeyahay Soomaaliya, taasoo sida uu xusay meelo kale mashaariic looga fuliyey.

Wasiirka ayaa Dowladda ku eeddeeyey, in ay qorsheyneyso in ay qaadato deyn cusub, taas oo sida uu tilmaamay la damacsan yahay in lagu fuliyo dano shaqsiyadeed.

Xalay ayey ahayd markii Ra’iisul Wasaaraha dalka uu Puntland ugu baaqay, in ay kaalin ka geystaan nidaamka deyn cafinta, oo iminka ku dhaw heer gabo gabo ah.

Hadalka ka soo yeeray Wasiirka Qorsheynta Puntland ayaa dhaawac culus gaarsiinaya xiriirka Puntland iyo Dowladda dhexe oo waqtigan aad u xun, lamana ogga sababa rasmiga ah ee keenay in khilaafkooda uu cirka isku shareero waqtigan.

Exit mobile version