Howlgal uu hor kacayay Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Raas Casayr ee Puntland G/sare Fu’aad Maxamud Xussen ayaa laga sameeyay deegaanada dhurbo, Biyo Kulule, iyo God-deexeed hawlgalkas oo ay fuliyeen Ciidamada Booliska Gobolka Raas caseyr oo kaashanaya Ciidamada Ilaalada Badda PMPF ayey ku soo qab-qabteen koox burcad badeed ah.
Kooxdan Burcad Badeedka ah oo ay Ciidamada Booliska ku raad joogeen ayaa ku hubaysnaa hubka noocyadiisa kala duwan sida RPG, PKM Hubka Fudud iyo Saanad Shidaaloo dhan in ka Badan 21-Lixdanle oo shidaal iyo Rasaas ah.
Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Raas Casayr G/sare Fu’aad Mohamoud Xuseen oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay in Saddex qof falka lagu soo qabtay wuxuuna intaas ku daray in la hor geeyn doono sharciga.
Ciidamada gobolka Raas Casayr ayaa sheegay in ay ku raad joogaan Burcad Badeeda Falalka amni daro ka wadda Xeebaha Gobolka Raas casayr iyo cid kasta oo amniga Gobolka carqaladaynaysa.