Friday, September 12

Maamulka Puntland ayaa si cad ugu dhawaaqay inuu diyaar u yahay xalinta khilaafka mudada jiitamayey ee u dhaxeeya maamulka Puntland iyo Dowladda dhexe ee uu hoggaamiyo Xasan Sheekh.

Hadalkan waxaa maanta sheegay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdulaahi Deni, Xilli uu ka qaybgalay furitaanka kalfadhiga 54-aad ee barlamaanka Puntland, oo maanta si rasmi ah u furmay.

Deni ayaa sheegay in dowladda dhexe ay baal martay qodobo dastuuri ah ee dalka, wuxuuse taa baddelkeeda tilmaamay in dhankooda ay iminka diyaar u yihiin xalinta khilaafkaasi.

Deni ayaa sheegay in Puntland ay ka carootay, talada ay isku koobeen siyaasiyiinta heysta xilka dalka ugu sareeya, kuwaas oo sida uu sheegay afduubtay arrimihii masiiriga ahaa.

Deni ayaa tilmaamay in qodobada la isku hayo ay yihiin hirgalinta nidaamka fedraalka, oo ay qeyb ka tahay arrimaha awood qeybsiga sida: nidaamka maaliyadeed ee Fedraalka, qaab-dhismeedka amniga qaranka, wadaaga kheyraadka iyo hannaanka caddaalada.

Ugu danbeyntii Madaxweyne Deni ayaa Somaliland iyo Khaatumo ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan amniga deegaanada ay ka kala arrimiyaan, si aanay usoo noqon colaad danbe oo waxyeelo gaarsiisa dadka rayidka ah.

Exit mobile version