Thursday, September 11

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dowlad goboleedka Puntland ciidamo dheeraad ah geeyay gobolka Sanaag, xilli halkaasi ay ka taagan tahay Xiisad.

Ilo deegaanka ah ayaa xaqiijiyay in ciidamadan ay ka baxeen magaalada Qardho, isla markaasna la geeyay aaga Dhahar oo shalay dagaal culus ku dhexmaray Askarta Puntland iyo Ciidamo deegaanka ah oo la yiraah Maakhir.

War-saxaafadeed ka soo baxay dowlad goboleedka Puntland ayaa lagu eedeyay dagaalkaasi in ay ku lug laheyd Dowladda Federaalka.

Puntland ayaa sheegtay in dagaalka Dhahar yahay faragelin siyaasadeed oo ka dhan ah Amniga Maamulkaasi.

Dhinaca kale, Dowladda Federaalka ayaa Madaxweynaha Puntland, Saciid Deni, iyada oo ku tilmaamtay inuu yahay dagaal huriye diidan dhismaha maamulka SSC Khaatumo.

Dagaalka ka dhacay Dhahar ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen 5 ruux, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen, iyada oo dhinacyada loogu baaqayo nabad.

Exit mobile version