Thursday, September 11

Maamulka Puntland ayaa gacanta ku soo dhigtay eedeysane hore u dilay muwaadin soomaaliyeed oo ka soo jeeda deegaanka Boorame ee gayiga Somaliland.

Taliska Booliska Puntland ayaa sheegay in eedeysanaha ay soo qabteen kadib howlgal ay ka sameeyeen gudaha deegaanada maamulka Puntland.

Eedaysanahaya gacanta lagu soo dhigay ayaa lagu magacaabaa Axmed Maxamuud Maxamed , wuxuuna booliska sheegay in ay horkeeni doonaan maxkamadaha awooda u leh in ay kiiskan qaadaan.

Taliska Booliska Puntland ayaa u mahadceliyey cid kasta oo kaalin ka geystay soo qabashada eedeysanahan, kaas oo laga soo qabtay deegaanka degaanka Seemade oo ka tirsan degmada Jariiban.

Exit mobile version