Wednesday, April 29

Weerar ay Pakistan ku qaaday bariga gobolka Kunar ee Afghanistan ayaa lagu dilay ugu yaraan toddoba qof, halka 75 kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo ay ku jiraan arday iyo macallimiin ka tirsan Jaamacadda Kunar, sida ay ilo kala duwan u sheegeen BBC.

Sida ay sheegtay dowladda Taliban, 30 ka mid ah dadka dhaawacmay waa arday jaamacadeed, Wasaaradda warfaafinta ee Pakistan ayaa beenisay inay weerartay jaamacadda iyo goobaha la deggan yahay, iyadoo sheegtay in wararkaasi ay yihiin kuwo been abuur ah.

Wararka ku saabsan weerarrada Kunar ayaa imanaya toddobaadyo kadib duqeyn cirka ah oo Pakistan ka fulisay xarun dhaqan-celin daroogo oo ku taal caasimadda Afghanistan ee Kabul, taas oo sida ay Qaramada Midoobay sheegtay ilaa iyo hadda la og yahay in lagu dilay 269 qof.

Taliban waxay sheegeen in madaafiic iyo gantaallo loo adeegsaday weerarka lagu qaaday gobolka Kunar, halka ilo kale ay warbaahinta caalamka u sheegeen in diyaarado dagaal iyo diyaarado aan duuliye lahayn la isticmaalay.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda tacliinta sare ee Afghanistan ayaa lagu sheegay in dhismayaasha jaamacadda iyo agagaarkeeda ay soo gaareen burbur ballaaran.

Boqolaal qof ayaa la dilay ama lagu dhaawacay dagaallo xuduudaha ka gudbay oo u dhexeeyay Pakistan iyo Afghanistan bilihii la soo dhaafay.

Exit mobile version