Friday, September 12

Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, oo muddo dheer ahaa kuwa lagu hirto, isla markaana xaliya dhibaatooyinka kala duwan ee bulshada kala gaarto ayaa waqtigan ka gaabiyey doorkoodii.

Gudaha dalka waxaa gobolo badan oo ka mid ah ka socda dagaal beeleedyo, haddana ma jirto waxgarad u istaagay xalinta colaadahaasi u dhaxeysa beelaha Soomaaliyeed ee walaalaha ah.

Odayaasha dhaqanka, oo door weyn ka qaadan jiray marka ay yimaadaan arrimaha oo kale, ayaa la la’yahay kaalintoodii, taas oo keeneysa in dagaaladu ay kordhaan.

Dubaabka dhaqanka Soomaaliyeed, oo ku caan baxay gar aan eex lahayn iyo nabad raadin aan laga daalin, ayaa la is weydiinayaa waxa marinkooda ka ambiyey.

Dadka qaar ayaa sheegay in odayaashu ay ku milmeen siyaasadda, isla markaana aysan waqti u heynin xalinta dhibatooyinka jira.

Odayaasha dhaqanka Soomaaliya ayaa sanadihii la soo dhaafay door weyn ku lahaa doorashooyinka dalka, waxeyna soo xuleen xubnaha Barlamanka iminka shaqeynaya, wallow lagu xanto in ay xulashadaasi ka sameeyeen dhaqaale fara badan.

Si kastaba aqoonyahanada ayaa ku talinaya in odayaasha dhaqanka iyo culumada ay u dhaqaaqaan xalinta dagaal beeleedyada faraha badan ee ka socda qaar ka mid ah gobollada dalka. 

Exit mobile version