Monday, September 15

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay xabsiga u taxaabtay odayaal beeleed, kuwaas oo sida la sheegay ka danbeeyey dagaal beeleedyadii ka dhacay Shabeellada Dhexe.

Odayaashan ayaa la sheegay in ay hurinayeen dagaalkaasi, waxeyna iminka ku xiran yihiin saldhiga Jowhar.

Odayaashan ayaa ka soo kala jeeda labadii beelood ee dhawaan ku dagaallamay deegaanno hoostaga degamads Cadalle.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in odayaashan lala xisaabtami doono, isla markaana loo gudbi doono hay’adaha cadaaladda.

Dagaalkii ka dhacay duleedka Cadalle ayaa geystay khasaare aad u fara badan, waxaana colaadda beelaha walaalaha ay gaartay heer ay iska gubaan aqalada, isla markaana iska kufsadaan Haweenka.

Exit mobile version