Saturday, September 13

Madaxweynaha Dowladda Fedraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada dalka ku qabilay wakiilka gaarka ah xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay uu dhawaan u soo magacaabay Soomaaliya Catriona Laing.

Madaxweynaha iyo Catriona Laing, ayaa kulankooda intiisa badan diirada ku saaray, arrimaha la xiriira dagaalka Al Shabaab, iyo sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka ku sugan meelaha laga saaray ururka.

Madaxweynaha ayaa Wakiilka gaarka ah, la wadaagay halka ay marayso arrinta deyn cafinta, isagoo tilmaamay in dhawaan la guda gali doono wajiga labaad ee dagaalka Al Shabaab.

Inta uu kulanku socday Xasan Sheekh ayaa soo hadal qaaday dardargelinta howlaha muhiimka ah ee Xafiiska Qaramada Midoobay uu ka caawiyo Soomaaliya.

Catriona Laing ayaa dhankeeda soo dhaweysay dadaalada ay dowladda Soomaaliya ugu jirto, sidii ay Al Shabaab dalka uga saari lahayd. waxeyna sidoo kale bogaadisay guulaha laga gaaray howlgaladii horey loo fuliyey.

Exit mobile version