Thursday, September 11

Madaxweynaha Dowladda Fedraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Kenya ayaa kulan la qaatay dhigiisa dalkaasi William Ruto, waxaana kulanka uu ka dhacay xarunta Madaxtooyada Kenya.

Kulankan ayaa lagu lafa guray arrimo kala duwan oo ay ugu waa weyn yihiin, xoojinta iskaashiga labada dal, adkeynta xiriirka diblomaasiyadda, iyo hiigsiyada horumarineed ee geeska Afrika.

Kulanka labada Madaxweyne ayaa sidoo kale lagu falanqeeyey, dagaalka ka dhanka Al Shabaab iyo sidii Soomaaliya iyo Kenya uga shaqeyn lahaayeen cirib tirka Al Shabaab iyo ururada kale ee xagjirka ah.

Xasan Sheekh ayaa kenya u tagay ka qeyb galka Meertada 6-aad ee Qaramada Midoobey ee Isbeddelka Cimilada oo diirada lagu saarayo dhibaatada ba’an ee Isbadelka cimilada uu caalamka ku hayo.

Exit mobile version