Si weyn ayaa isha loogu hayaa Iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga ee ku aaddan dhinaca Ganacsiga, kaas oo labada dalba ay aad u daneynayaan.
Khamiistii aynu ka soo gudubnay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Madaxtooyada ku qaabilay, ganacsato ka soo jeeda dalka Turkiga, kuwaas oo ay ka wada hadleen arrimo fara badan.
Waxyaabaha Madaxweynaha iyo gacansatada Turkiga ay ka wada hadleen waxaa ka mid ah, sidii ay maalgashi ugu sameyn lahaayeen dalka Soomaaliya, oo ay ka jiraan fursado kala duwan.
Madaxweynaha ayaa dhankiisa u bidhaamiyey ganacsatada Turkiga, fursadaha maalgashi ee ka jira gudaha dalka, kuwaas oo u baahan in labada dhinacba ay ka faa’ideystaan.
Ganacsatada la kulantay Madaxweynaha waxaa ku jiray Madaxda Bankiga Bankiga Ziraat, kuwaas oo goordhaw xariga ka jari doona, xarunta Bankigaas, ee ay ka hirgaliyeen magaalada Muqdisho.
Ku Dhawaad 280 milyan oo doolar ayaa lagu qiyaasaa Baaxadda ganacsiga Turkiga iyo Soomaaliya, iyadoo maalgashiga shirkadaha Turkiga ay ku sameeyeen dalka uu dhaqaalle ahaan gaarayo $100 milyan oo dollar.
Bisha Agoosto ee Sanadkan, waxaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ka furmaya Shirka Ganacsiga Turkiga iyo Afrika (𝗔𝗳𝗿𝗶𝗰𝗮 𝗕𝘂𝘀𝗶𝗻𝗲𝘀𝘀 𝗙𝗼𝗿𝘂𝗺 & 𝗘𝘅𝗽𝗼), kaas oo ay ganacsatada Soomaaliyeed si aad ah u daneynayaan ka qeyb galkiisa.
Sida la filayo shirka waxaa ka soo qeyb geli doona shirkado tiradoodu gaareyso ilaa Kun iyo dad 2 kun kor u dhaafaya, waxaana looga hadli doonaa arrimo badan oo ku qotoma ganacsiga
Shirka waxyaabaha diirada lagu saari doono, sida la soo bandhigay waxaa ay kala yihiin: caafimaadka iyo dawooyinka, cuntada iyo quutul duruuriga, Beeraha, Waraabka iyo Qalabka Beeraha, Dharka, Makiinadaha loo adeegsado warshadaha Gawaarida iyo Spare Parts-ka, Dalxiiska, Tiknolojiyadda iyo isgaarsiinta, Qalabka guryaha iyo maacuunta,qalabka dhismaha iyo warshadaha.
Dhamaan Shirkadaha ka socda dalka ayaa soo bandhigi doona wax soo saarkooda, si ay u helaan kuwa kale, oo xiriir ganacsi la sameeya, waana fursad kaalin ka geysanaysa soo kabashada dhaqaalaha dalka
Dhan kasta oo laga eego, xiriirkan ganacsi ayaa ah mid ahmiyad gaar ah u leh ganacsatada Soomaalida, kuwaas oo u ogolaanayo in ay la jaan qaadaan ganacsatada adduunka, waana tallaabo kale oo loo qaaday xiriirka labada dowladood, oo 12-kii sano ee ugu danbeysay xoogeysanayey.
WQ: Ayaanle Qoyste