(Hortabin Media) Waxaa weli gudaha Muqdisho lagu iibinayaa noocyada maandooriyaha, gaar ahaan kuwo halista ku ah nolosha dadka.
Maandooriyahan, oo ay aad u iibsadaan dhallinyarada, ayaa isugu jira kaniiniyo, sharoobooyin, iyo maandooriyaha xashiishka, waana halis caafimaad oo ku kordheysa gudaha caasimada.
Waxaa sidoo kale gudaha caasimada lagu farsameeyaa maandooriye loo yaqaan calaq, kaas oo sida qamrigii lagu shubo dhalooyin, isla markaana laga iibiyo bulshada, gaar ahaan kuwo doonaya in ay maankooda dooriyaan.
Dowladda Soomaaliya oo kal hore dagaal la gashay Maandooriyaha, isla markaana mamnuucday, ayey tallaabadani dhaawaceysaa go’aankoodii hore, kaas oo ay bulshadu hore usoo dhoweeyeen.
Bahda Caafimaadka ayaa marar is xiga ku taliyey in dowladda ay joojisay maandooriyayaashan khatarta ku ah nolosha, iyagoo sheegay in xarumahooda la keenay kiisas la xiriira dhallinyaro dhibanayaal u ah isticmaalka muqaadaraadkan.
WQ: Ayaanle Qoyste