Sunday, September 14

Waqtigan wax weyn ayaa iska baddelay nolosha qoyska Cali Saahir oo ah wiil Siiriyaan ah, kaas oo ka mid ah qaxootiga dalkaasi, ee Muqdisho soo maciinsaday.

Wiilkan ayaa ku luuqeeyey hees guubaabo ah, taas oo uu ka qaaday Xafladda Mahadcelinta guddigii ka shaqeeyay Todabaadka Xoriyadda, oo munaasabadooda lagu qabtay aqalka dowladda hoose ee xamar.

Heesta uu qaaday oo dareen wadaninimo galisay madaxdii iyo shacabkii madasha joogay ayaa suura galisay in duqa Muqdisho, uu shaqo ka siiyo aqalka dowladda hoose ee Xamar.

Qoyska wiilkan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shaqada wiilkooda la siiyey ay wax weyn ka baddelyso noloshooda, oo aad u liidatay, maaddaama ay yihiin dad qaxooti ah, oo daruufo adag wajahayey.

Siiriya iyo Yamen, waxaa Muqdisho ka jooga dad badan, kuwaas oo dalalkooda uga soo hayaamay xaaladdo amni, waana kuwo waayo kala gadisan ku qaabilaya gudaha caasimada.

Exit mobile version