Saturday, September 13

La qabsiga nolosha Muqdisho ayaa ku adkaatay waqtigan qoysas barakacayaal ah, kuwaas oo 4- bilood ka hor qaar ka mid ah gobolada dalka uga soo barakacay daadadkii Elnino ee ku dhuftay Soomaaliya.

Qoysaskan oo ku sugan kaam ku yaalla degmada Dayniile ayaa ilaa waqtigaasi helin wax gargaar bani’aadminimo ah, waana kuwo niyad jab xooggan ka muujinaya waayaha adag ee ay dhex maquuranayaan.

Cabdi Cali, waa aabbe lixdan jir ah, wuxuuna warbaahinta u sheegay in isaga iyo qoyskiisa oo ka kooban 11 ruux ay ku adkaatay la qabsiga nolosha Muqdisho oo ah halka ay soo maciinsadeen.

Qoysaskan ayaa sidoo kale wajahaya dhibaato dhanka hoyga ah, waana kuwo dalbanaya baco ay ku dataan aqalada cooshadaha ka sameysan ee hoyga u ah, waa tan Xaliimo Madeey.

Batuulo Maxamuud oo ka mid ah barakacayaasha ka soo hayaamay magaalada Baydhabo, ayaa si kooban uga hadashay safarkii ay ku soo beegsatay Muqdisho, iyadoo dhanka kalana ka deyrisay xaaladda nololeed ee ka jirta kaamka ay ku sugan tahay.

Xaawo Maxamed oo ah horjoogaha kaamka ay qoysaskan soo maciinsaden, ayaa ka warbixisay goobaha ay dadkan ka yimaadeen, iyo dhibaatooyinka heysta, waxeyna dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha Samafalka ka codsatay in gargaar bani’aadminimo lala soo gaaro barakacayaashan.

Gudaha Soomaaliya, xaaladaha adag ee ka jira dalka ayaa Soomaali badan ku qasbay in ay ka soo barakacaan guryahooda, iyadoo badi dadkaasi aanay helin garab istaag bani’aadminimo oo rasmi ah, waana sababaha keenaya in ay ku adkaato la qabsiga nolosha goobaha ay soo magansadeen, taas oo ugu danbeyn dhaxalsiisa wal wal iyo daruufo ka badan kuwii ay ka soo hayaameen.

Exit mobile version