Friday, September 12

Hay’adda Nabad Sugida oo dekada Muqdisho ku qabatay saanad Ciidan oo loo waday kooxda Al Shabaab.

Saanadan ciidan ayaa lagu soo dhex qariyey badeeco ganacsi ahaan dalka loo soo galinayey.

Bayaan ka soo baxay Hay’ada NISA, ayaa lagu sheegay in billo ka hor laga war haayey qorshahan, taas oo ugu danbeyn maanta sahashay in la fashiliyo.

Arrintan ayaa ka mid ah dagaalka ay dowladda kula jirto dhaq dhaqaaqa ay dalka ka wadaan Al Shabaab, kuwaas oo sanadihii ugu danbeeyey weeraro ka fulinayey caasimada.

Exit mobile version