Saturday, September 13

Tan iyo markii la unkay hay’ada sirdoonka qaranka Soomaaliyeed ee NISA, waxaa argagax ka muujin jiray bulshada, iyadoo aan la heli jirin meel loo raacdo gabood-falada ay geystaan xubnaha iyo madaxda ka tirsan hay’adaasi.

Waqtigan waxaa wax ka baddel weyn lagu sameeyey sharuucdii ay hay’adu ku shaqeyn jirtay, sababo la xiriira in ay kasbato shacabka, oo markii hore ka didi jiray.

Waxaa toddobaadkan la furay xafiis cusub oo Garmaqalka dadweynaha ah, kaas oo ay dacwadooda geysan karaan dadka rayidka ah, ee ay hay’adu dhibaateyso.

Xafiiskan ayaa shacabka ka caawinaya in ay caddaalad helaan, isla markaana lala xisaabtamo xubnaha ka tirsan hay’ada ee ay cabashada ka yihiin.

Tallaabadan ayey qubarradu ku macneeyeen mid ay hay’adu ku kasbaneyso shacabka, taas oo u soo dhaweyn karta rayidka, una fududeyn karta in ay helaan xoggo dheeri ah oo ku saabsan dhanka amniga.

Furida xafiiskan, ayaa salka ku haya, eedii loo jeediyey dowladii tan ka horeysay, taas oo ahayd dilka ka gabar ka tirsaneyd NISA, oo lagu magacaabayey Ikraan Tahliil.

Ikraan qoyskeedu waxey dilka gabadhooda ku eedeeyeen madaxdii heysatay waqtigaasi hay’ada NISA, balse ma helin cid si dhab ah ula xisaabtanto dadkii ay tuhmayeen.

Dhinaca kale sida ay sheegtay hay’ada ayaa abaal marin lacageed oo dhan 20kun oo dollar gudoonsiisay muwaadin Soomaaliyeed, kaas oo soo gudbiyey xogta xubno ka tirsan Al Shabaab, oo qorsheynayey in ay weerar ka geystaan gudaha Muqdisho.

Si kastaba aqoonyahnada iyo siyaasiyiinta la socda xaaladda dalka ayaa soo dhaweeyey tallaabada ay qaaday hay’ada nabad sugida, taas oo iminka hoos u dhigeysa tacadiyadii ay geysan jireen xubnaha ka tirsan hay’adaasi.

Exit mobile version