Sunday, September 14

Ciidanka PMPF oo howlgallo ka sameeyey xalay saqdii dhexe magaalada Boosaaso ayaa gacanta ku dhigay nin ku hubaysan walxaha qarxa, kaas oo la sheegay inuu ka tirsan yahay Ururada Argagixisada.

Howlgalladan qorshaysan ayey ciidanka PMPF ku qabteen bambooyinka gacanta ee sababa qaraxyada xooggan, gaadiidkii lagu wadey iyo ninkii watay, wallow aan si rasmi ah loo sheegin ururka uu ka tirsan yahay Al Shababa ama Daacish.

Warkan  ka soo baxay Ciidanka PMPF ayay ku sheegeen in  hubkaasi ujeedkiisu ahaa in lagu waxyeeleeyo shacabka magaalada Boosaaso.

Saraakiisha PMPF ayaa sheegay in ninkan ay u gacan galin doonaan hay’adaha caddaalada, si loo mariyo waajibkiisa, waxaana soo qabashada ninkan ay ku soo beegmeysaa xilli maalmahan Boosaaso laga waday howlgalo ballaaran.

Exit mobile version