Nin hubeysan ayaa Jimcihii waxaa uu fal toogasho ah ka geystay Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, toogashadaas oo lagu dilay Sarkaal katirsan Ciidanka Booliska Mareykanka iyo qof Shacab ah, iyadaoo isla qofkii falkaasi geystay isna la toogtay.
Xogaha ayaa waxaa ay sheegayaan in Shaqsiga weerarkaas fuliyay uu ahaa muwaadin Soomaali oo lagu magacaabi jiray Mustafa Ahmed Mohamed oo ay da’diisu tahay 35, sidoo kalena uu dhaawacay Afar qof oo kale.
Mustafa ayaa la sheegay in ay laamaha amniga gobolka Minnesota ay u raadinayeen dambiyo uu galay, balse weerarkaan cusub u geystay, ayaa keenay in isla goobta lagu toogto.
Booliska Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka weli faah faahin guud kama bixin weerarka Ninka Soomaaliga ah uu ka geystay Magaaladaas, waxaase saacadaha soo socda la filayaa xog intaasi ka ballaaran.