Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dil nin Soomaali ah loogu geystay Caasimadda dalka Denmark ee Copenhagen.
DIlkan ayaa loo adeegsaday Mindi, waxaana boolisku ay warbaahinta u sheegeen in ay u soo qabteen labo nin, kuwaas oo iminka la weydiinayo su’aallo la xiriira dilka loo geystay muwaadinka Soomaaliga.
Ninka Soomaaliga ee la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Rabiile Shire Xuseen, waxaana da’diisu ay ahayd 48 sano jir, muddo badan dalkaasi ku noolaa.
Muwaadinkan ayaa degganaa magaallo dhowr saacadood u jirtay caasimada dalkaasi ee Copenhagen, oo uu u yimid qaraabo salaan, maaddaama ay deganayeen gabdho walaalihiis ah.
Bur burkii dalka kadib, Bulshada Soomaalida ayaa maciin biday dalal badan oo ka tirsan caalamka, waxaana badankood ay dhaxleen dhibaatooyin kala duwan.