Saturday, September 13

Kooxo ku hubeysan bistoolado ayaa wiil dhallinyaro ah ku dilay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha hoose

dableyda dilka geysatay, ayaa wiilkan dhallinyarada ah rasaasta uga dhufatay qeybaha sare ee jirkiisa, waxaana magaca marxuumka lagu sheegay Cabdi Cismaan.

Dableydii dilka geysatay ayaa goobta isaga baxsatay, wuxuuna dilku ka dhacay Xaafada Dhagax tuur ee Degmada Afgooye.

Ilaa iyo iminka ma jirto cid loo soo qabtay falkaasi, balse booliska Afgooye ayaa sheegay in ay ku daba jiraan kooxdii dilkaasi ka danbeysay.

Exit mobile version