Monday, September 15

Saakay waxaa degmada Dayniile lagu arkay nin oday ah oo ka soo laalaada geed qurac ah, kaas oo halkaasi lagu daldalay.

Ninkan ayaa la garan waayey, waxaana meydkiisa lagu wareejiyey maamulka degmada, isagoo iminka yaalla xarunta danbi baarista ee CID.

Booliska ayaa sheegay in ay wadaan baaritaan la xiriira cida fulisay dilkan iyo sababta ka danbeysa.

Falkan ayaa argagax ku abuuray dadka deegaanka, wuxuuna dhaliyey hadal heyn aad u fara badan.

Exit mobile version