Monday, September 15

(Hortabin Media) – Ciidamada hay’adda Nabad-sugidda Koonfur Galbeed ee ku sugan degmada Xudur ayaa waxaa isku soo dhiibay nin ka tirsan Al Shabaab, kaas oo magaciisa ku sheegay Caddow Xassan Cabdi Cali.

Ninkan ayaa markii uu isi soo dhiibayey watay qori AK47 ah, waxana uu sheegay inuu Al Shabaab uga soo baxay afkaarta gurucan ee ay ku howlgalayaan, taas oo u cuntami weysay sida uu hadalka u dhigay.

Ninkan lagu magacaabo Caddow Xasan ayaa Al Shabaab ku biiray sanadkii 2013-kii, isagoo kaga biiray kooxda degmada Xudur ee gobolka Bakool, oo ah goobta uu iminka isku dhiibay.

Waxa uu sheegay ninkan inuu ka mid ahaa ciidamada jabhada Al Shabaab, isagoo ka soo dagaallamay meelo badan oo ay ka mid tahay gobolka Galgaduud.

Mudooyinkii ugu danbeeyey waxaa kordhayey xubnaha ka tirsan Al Shabaab ee isku soo dhibaya ciidamada dowladda, waana qeyb ka mid ah jabka kooxda xilligan la soo gudboonaaday.

Exit mobile version