Soomow Ibraahim iidow oo Magac afgarashada Khawariijta loo yaqaano (Macallin Soomow) ayaa saaka Isku soo dhiibey Taliska Guutada 8-aad Qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.
Soomow oo Muddo 5-Sano ah ka tirsanaa khawariijta ayaa u qaabilsanaa waxa ay u yaqaanaan Jabhadaha.
Mar uu ka hadlayay waxa ku Sababay in khawarijta uu ka soo baxo,wuxuuna sheegey in dhibaatada ka jirta dhexdooda iyo midda ay u geystaan Shacabka Soomaaliyeed darted uu uga soo baxay.
Tan iyo markii uu billawday dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, waxaa soo kordhay xubnaha ka tirsan Al Shabaab ee isku soo dhiibaya dowladda Soomaaliya.